
Cusbitaalka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa xanuunka shuban biyoodka loo jiifiyey dad kor u dhaafaya 100 qof oo isugu jira dadwaawayn iyo caruur sida uu Radio Kismaayo u xaqiijiyey Agaasimaha cusbitaalka Dhoobley Caali Xassaan.
Xanuunkaan ayaa waxaa uu ka dhashay sida ay yeegayaan bahda cafimaadka biyaha fadhiya wadooyinka magaalada iyo xaalada faya-dhowrka guud oo iska liidata maadama dhawaaan Dhoobley iyo deegaanada ku dhow uu ka bilowday roob-ka dayrta.
Agaasimaha Cusbitaalka Dhoobley ayaa sheegay in dadka xanuunka uu soo ridanaayo ay ka imaanayaan afarta xaafadood Dhoobley iyo deegaanada baadiyaha ee ku Dhoobley.