Taliska NISA Oo Ka Jawaabay Warbixintii Uu Ka Dalbaday Wasiirka Amniga

1022

Iyadoo Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi maxamed Nuur uu dalbaday , warbixin ku saabsanayd ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow, ayaaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka,oo markii hore laga dalbaday warbixin dhammeystiran.

Warqad uu ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.