Meydka Sh. Maxamed Xassan oo la helay

1262

Marxuum Sh. Maxamed Xassan, oo 48-di saac lasoo dhaafay raq & ruux diisa la waayay ayaa meydkiisa oo gaari ku jira madaxana xabad kag taalo laga helay meel qudaafad ah, nawaaxiga magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

Sheekh Maxamed Xasan ayaa ka mid ahaa Imaamyada Masaajida, waxaana uu ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano Magaalada Ohio.

Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidanka booliska oo baadigoobayay Sheekh Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono, islamarkaana la baari doono cidii ka dambeysay falkaasi oo si weyn uga nixiyay bulshada.

Ilaa hadda lama yaqaano cid ka dambeysay dailka Sheekh balse waxaa lagu waddaa in Soomaalida kunool gobolkaasi ay sameyn doonaan banaanbaxyo waa weyn.

Marxuumka oo da’diisa 50 sano jir waxa uu ahaa wadaad bulshada Columbus wanaag badan, afgaabni & qunyar-socodnimo ugu suntanaa.