Guddiga culimada ee abaaraha Jubbaland oo sheegey in ay soo gaba gabeeyeen wajjigii koowaad ee lacag aruurinta.

926

Guddiga culimada u xil saaran arrimaha abaaraha Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u sameeyay xisaab xir la xiriirta dhaqaale uruurintii ay u sameeyeen dadkii ay abaaruhu saameeyen iyo waliba lacagihii ay dhawaan kala wareegeen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ee loogu talagalay dadkii ka soo barakacay deegaanadii ay ka dhaceen abaaraha.

Rugta ganacsiga ayaa horaantii bishaan waxaa ay gudiga culimada ku wareejisay lacag gaareysa 24,700 taas oo ay kasoo aruusay shacabka reer Jubbaland, Sidoo kalena gudiga culimadda ayaa iyaguna waxaa ay sameeyeen is-xilqaan taas oo ay masaajidada iyo dadka reer jubbaland ay kaga aruuriyeen lacag gaareys ilaa 13, 678 oo doollar.

Guud ahaan lacagtii u soo xarootay guddiga culimada abaaraha Jubbaland ayaa gaareysay 38,378 oo doollar taasoo ay ugu gurmadeen dadkii ay abaartu saameysay.
Gudiga ayaa sheegay in Lacagtaan ay biyo dhaamin iyo raashiin ugu gadeen ilaa 36 goobood oo ku yaal deegaanada Jubbaland.