Wasiirka Gargaarka Jubbaland oo madaxda ururka suxufiyiinta Jubbaland kala hadlay sidii warbaahinta ay uga qayb qaadan-lahayd u gurmadka dadka abaaraha ay sameeyeen.

988
Sawir qaade:Salaan Adan

 

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Axmed Ayaa maanta kulan la qaadatay Gudi uu hogaaminaayey Gudoomiyaha ururka  Suxufiiyinta Jubbaland Cabdikhadar Iimaan Dhaqane iyo waliba Gudiga ka hortaga abaaraha ee hoos imaada wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka.

Kulankaan uu wasiir Cabdirahmaan Cabdi Axmed  uu la qaatay Gudiga ka socday Ururka Suxufiiyinta Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay sidii wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland iyo ururka Suxufiyiinta Jubbaland isaga kaashan lahaayeen u  gurmadka dadka ay abaaraha saameeyeen.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Jubbaland Cabdikhadar Iimaan Dhaqane oo kulan-ka ka hadlay ayaa sheegay in wariyaasha Jubbaland iyo waliba warbaahinta Jubbaland ka howlgashaba ay door kooda ka qaadan doonaan u gurmadka dadka abaaraha ay saameeyeen si loo badbaadiyo nolasha dadka xoolo dhaqatada ah.

“Wasiirka waxaan uga mahadcelinaynaa intii yarayd ee uu xilka haayey shaqooyinka wanaagsan ee uu qabtay iyo sida uu ugu gurmaday dadka abaarta ay dhibaataysay,anaga ka urur suxufiyiin ahaan waxaan wasaaradda ka garabsiinaynaa sidii aan u soo tabin lahayn wararka arimaha bani’adannimo iyo dhibaatada xoogan ee abaarta hadda jirta ay gaysatay”sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Jubbaland Cabdikhadar Iimaan Dhaqane.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta ma siibooyinka Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Axmed  oo soo xidhay Kulankii maanta ay yeesheen Gudiga ka socday Ururka Suxufiiyinta Jubbaland,Gudiga ka hortaga masiibooyinka ee wasaaradda gargaarka  ayaa ka warbixiyey dadaaladii ugu danbeyey ee wasaaradda wax kaga qabanaysay arimaha abaaraha iyo sida la isaga kaashan karo wax u qabashada dadka abaartu saamaysay.

“waxaan samaynay gudiga gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka oo heer state ah, gudiyo ku meelgar ahna waxaa ay ka jiraan degmooyinka Jubbaland oo la shaqeeya gudiga Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka,waa in la baxo duurka la aado dadka abaaraha saameyeen la soo badbaadiyo,kaamam la keeno,halkaas dowlada iyo cidii wax gaadhsiini-ba looga warhaayo”sidaa waxaa yidhi Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Axmed.

Deegaanada kala duwan ee Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaar saamaysay dadka iyo duunyada inta-ba taas oo u baahan dowlad iyo shacaba loo diyaar garoobo sidii loo badbaadin-lahaa nolasha dadka abaaraha ay saameeyeen.