Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo qabatay tababar looga hadlaayo sida loogu diyaar garoobo abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

971

Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Jubbaland ayaa qabatay tababar socon doona Saddex maalin.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Faarax Muqtaar Daa’uud, Agaasimaha Wasaarada Gargaarka Jubbaland Cabdirishiid Cumar Faratoon, Lataliyaha Qaranka, qeybta gurmadka Qaranka Maxamed Xirsi Muuse, Gudiga gurmadka heer dowlad goboleed, Ururka haweenka , Ururka bulshada rayidka ah iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabo.

 

Muhiimada tababarkani ayaa ah in ka soo qeyb galayaasha tababrkani loogu tababaro sidii ay ugu hortagi lahaayeen masiibooyinka, iyo sidii loo heli lahaa bulsho la jaanqaadi karto waxyaabaha soo ifbaxaya  oo ay ka mid tahay abaaraha haatan ka taagan dowlad goboleedka Jubbaland iyo guud ahaan Dalka oo dhan.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Jubbaland Faarax Muqtaar Daa’uud ayaa daah furay tababar-ka.

Ka soo qeyb galayaasha uu  tababarka u faray ayaa looga baahan yahay in ay si dhab ah ay uga qeyb qaataan, tababarka inta uu socdo ugana  faa’iideeyaan bulshada kale