Gudoomiyaha cusub ee degmada kismaayo oo si rasmi ah xilka ula wareegay

1092

Munaasabadani oo aheyd mid uu xilka kula wareegaye gudoomiyaha cusub ee degmada kismaayo ahna duqa magaalada ayaa waxa ay maanta ka dhacdey xarunta dowlada hoose ee degmada kismaayo.
Munaasabada uu xilka kula wareegaye gudoomiyaha cusub ee degmada kismaayo ayaa waxaa goob joog ka ahaa labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland, golaha dhalinyarada Jubbaland iyo odeyaasha dhaqanka magaalada kismaayo, waxaana intii ay socotey munaasabada xil wareejinta ayaa dhamaan masuuliyiintii kasoo qeyb gashey ay bogaadiyeen gudoomiyihii hore ee degmada kismaayo Ibraahim Yuusuf TimoJilac.
Ugu horeen waxaa munaasabada ka Hadley gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada degmada kismaayo ahna hoghaya degmada Cabdirashiid Cabdi Ibraahim (Mudulow) isaga oo wakil ka ahaa gudoomiyihii hore ee kismaayo Ibraahim Yuusuf TimoJilac oo arrimo caafimaad kullanka xil wareejinta maanta uga maqnaa.
dhanka kale Guddoomiyaha cusub ee magaalada kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne) ee maante sida buuxda xilka ula wareegay ayaa dhankiisa ka Hadley waxyaabaha u qorsheesan inuu qabto mudada xafiiska uu joogo.

Ugu dambeyn wasiirka wasaarada arrimaha gudaha dib u heshiisiinta iyo federaaleynta dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo kullanka soo xiraye ayaa u hambalyeeye Gudoomiyaha cusub ee degmada isagoona kula dardaarmey inuu si wanaagsan u guto xilka loo magacaabey.

Gudoomiyaha degmada kismaayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne) ayaa noqonaya gudoomiyihii labaad ee loo magacaabo magaalada kismaayo tan iyo markii dhidibada loo taagey maamulka dowlad goboleedka Jubbaland Somalia sanadii 2013kii