
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa howlgalo qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa ciribtirka haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolkaas, kuwaas oo shacabka dhibaatooyin kala duwan u geysta.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgalkan si gaar ah kaga fuliyay deegaanada Tawakal iyo Daaruslaam oo dhammaatood hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelahha hoose.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in howlgalka lagu bur buriyay saldhigyo ay gambaad ka dhiganayeen maleeshiyada Al-Shabaab iyo xarumo lacago baad ah shacabka kaga qaadi jireen.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheysan ee lagu baacsanayo nabad-diidka Al-Shabaab.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







