Barlamaanka Jubbaland oo Manta Codka Kalsoonida Siiyey Hanti-dhowraha Cusub ee Jubbaland.

1210

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen guddoomiyaha guud ee guddiga hanti dhowrka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Jubbaland.
Gddoomiyaha oo u horey usoo magacaabey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa maanta oo ay ku began tahay taariikhda 1da bisha November waxaa guddiga joogtada ah ansixiyeen Bahiir Maxamed Bahalle Cabaas oo horey uga mid ahaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.
Shukri Weyrax Kaariye guddoomiyaha habdhowrka baarlamaanka Juabbaland oo kullanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiye kullanka ay maanta iskugu imaadeen.
Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka isagoona sheegay in loo baahnaa guddigan hanti dhowrka iyo la dagaalanka musuqa oo heer dowlad goboleed iyo heer caalami ah ‘’waxaan maanta isugu nimid oo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Jubbaland, ansixinta hanti dhowrka guud ee Jubbaland oo loo magacaabey, Bahiir Maxamed Bahalle”sidaa waxaa Radio Kismaayo u sheegay Shukri Wayrax Kaariye.
Dhanka kale Hanti Dhowraha Guud ee Jubbaland ee Gudiga Joogtada ah ee Barlamaanka Jubbaland ansixiyeen ayaa hgoobta ka hadlay.
“marka koowaad waxaan halkaan uga mahad celinayaa, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam oo aniga ii doortay inaa noqdo, hanti dhowrka guud ee Jubbaland , mar ka labaad waxaan u mahadcelinayaa barlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, guddooonkiisa iyo xillibaanadiisii, oo si aqlabiyad ah codkoodi igu siiye’’ sidaaswaxa yidhi Bashir Maxamed Baahle oo manta ay ansixiyeen gudiga joogta ah Barlamaanka Jubbaland.
Bashiir Maxamed Baahale ayaa horay uga mid ahaa barlamaankii 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland.