Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland Oo Soo Bandhigay Waxyaabaha Qarxa Kadib Howgallo Ay Ka Sameyeen Magalada Kismaayo

961

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland (JISA) ayaa fashiliyay isku day arbushaad ah ka dib markii ay miinada nooca dhulka lagu aaso ay Alshabaab darmacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada reer Kismaayo, Hawlgalkan lagu fashiliyay dhagarta argagixisadda ayaa ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

 

Hay’adda Nabad sugidda & Sirdoonka Jubbaland ayaa waxa ay sheegtey inay uga mahad celinayso fulinta hawlgalkaan guuleystey  shacabka magaalada Kismaayo sida quruxda badan ee kal soonida leh ee ay ula shaqeyeen laa maha amniga uga na qeyb qaadanayaan sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada.