Madaxwaynaha Jubbaland oo maanta daahfuray hanaanka maamul daadajinta iyo dowladaha hoose ee Degmooyinka Jubbaland.

1116

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray hanaanka adeeg daadajinta Jubbaland kasii oo loogu diyaarinayo adeegyadda maamulka,iyo hanankii loo mari lahaa.
Kulanka daahfurka adeeg daadajinta Jubbaland ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaasha dhaqanka, ururadda haween, Golaha wasiiradda, qaybaha kala duwan ee bulshadda, masuliyiin kasocotay dowladda hoose, iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisinta Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ka hadlay kulanka daah furka haananka adeeg daadajinta ayaa waxaa uu sheegay in ay marayso maamul daajinta meel wanaagsan, isagoona tilmaamay in degmadda Afmadow ay noqotay degmadii ugu horeysay ee laga hirgaliyay maamul daadajinta.

Wasiirka arimaha ayaa xusay in la dhamaystiray golaha deegaanka Degmadda Afmadow,Dhanka kale Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in ay sii socdaan hananka dhisidda golayaasha deegaanka.
“Jubbaland inta uu waqtigu noo saamaxo waxaan gaarsiinaynaa adeega maamul daajinta “ sidaas waxaa yiri wasiirka arimmaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisinta Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish.

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay hanaanka loo maraayo Maamul daajinta iyo sida ay iskugu xiran yihiin ayaa sheegay in wasaaradda arimmaha gudaha uu kala Shaqaynayo baahinta maamulka.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in degmooyinka in ay san u baahnayn maamul loo soo magacaabay balse ay u baahanyihiin maamul ay iyagu soo doorteen,waxaa kale oo uu wasaarada arimaha gudaha faray daajinta maamulka Degmadda Ceel waq.
“maamulka dowladda hoose waxaa weeye dadku in ay iyaga dhistaan maamul ay iyaga leeyihiin marka dadku maamul ay iyaga leeyihiin ay dhistaan waxay ka baaqsan karaan waxyaabo baddan , hananka maamul daajinta waxaa loogu talagalay dadku in ay isla xisaab tamaan“sidaas waxaa yiri madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.