
Xubno kamid ah Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha GHDHF. Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble .
Kulanka ayaa looga wada hadlay Dhamaystirka Doorashada Aqalka sare oo gabagabo ah iyo Dardar-gelinta Doorashada Gollaha shacabka oo dhawaan lafilayo inay bilaabato .
Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa gudiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka uhaayaan , waxayna hoosta kawada xariiqeen in Jadwalka iyo Xareeynta ergada dagdag loo guda-galo si Doorashada golaha Shacabku ay u bilaamanto.