Gudiga Maaraynta Masiibooyinka Jubbaland oo ka hadlay Abaraha ka jira Deegaanada Jubbaland.

1091

Guddiga u diyaar garowga iyo ka jawaabista musiibooyinka ee wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland ayaa waxaa ay baaq ka soo Saareen biyo la’aanta ka jirta qeybo ka mid ah deegaanada Jubbaland.
Guddiga ayaa ugu baaqay dadka soomaaliyeed qaasatan dadka reer Jubbaland in Ay ka qeyb qaatan gaargaarka loo fidinaayo dadka biyo la’aanta heesato ee ku kala Sugan seddexda gobol ee ay ka kooban tahay Jubbaland oo bilooyinkii u dambeeyay Ay dadka xoolo dhaqata ah iyo beeraleyda ku suugan qeybo ka mid ah gobollada Jubbaland ay soo food saartey biyo la’aan baahsan iyo abaar baaxday,taas oo u baahan in xiligaan adag dadka la caawiyo.

Ugu horeen sh.Cabdiraxmaan Maxamed Xirsi oo goobta ka Hadley ayaa ka waramey muhiimada ay leedahay in dadka islaamka isku gurmadaan iyo waxa diintu ka qabto ‘’isu kaalmeesta samo falka iyo Rabbi ka dhowr sashada, hana isugu kaalmeenina, dambiga iyo gardarrada. Annagu meeshana waxa u fadhino waxa weeye inaa isku kaalmeesano oo bulshada qeybaheeda kala duwan, odayaasheeda, wax garadkeeda, qurbo joogteeda, qorax joogeeda, culimadeeda, caamadeeda, dumarkeeda, dhamaan inee isu kaalmeestaan sidii ay Alle S.W.T ugu xirmi lahaayeen’’ sidaa waxaa sheegay Sh.Cabdiraxmaan Maxamed Xirsi

Dhanka kale Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi oo sidoo kale goobta ka hadley ayaa dhankiisa ka waramey waxyeelada soo gaartay qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ee kusugan deegaanada abaarta ka jirto’’ waxaan ka jeedineena oo yaala maamul goboleedka Jubbaland seddexdiisa gobolba Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo seddexdaaba abaar baahsan, oo biyo la’aaneed, oo xaaluf ah, oo xanuun ah, intaasaa dadkii isugu tagtey. Dadkii xoolo dhaqatada ahaa biyo waa la’yihiin, baadkii xooluhu cuni jireena waa la’yihiin’’ ayuu yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi
Ugu dambeyntii afhayeenka Guddiga u diyaar garowga iyo ka jawaabista musiibooyinka ee wasaarada gargaarka Cabdirashiid Daahir Axmed ayaa warbaahinta ka hor aqriye baaqa ay soo saareen guddiga ’’wasaarada gargaarka iyo mareeynta musiibooyinka Jubbaland, guddigooda oo ka kooban kow iyo toban xubnood, baaq halkaan aan rabno inaa kasoo jeedino aan kusoo koobnay warqadaan, ujeedo abaaraha ka jira gobollada Jubbaland, saad ogtihiin, guddiga diyaar garowga iyo ka jawaabista, oo mudooyinkii ugu dambeeye darsadey xaaladaha abaaraha ee ka jira deeganada Jubbaland, sidaad la socotaan Jubbaland waxa ay ka kooban tahay saddex gobol, Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo, dhamaan goboladaas waxa ka jira abaar baahsan, taas oo saameesay dad iyo duunyaba, hadaba waxaan ka codsaneena, dowlad goboleedka Jubbaland, dowlada federaalka soomaaliya, iyo hay’adaha caalamiga ah ee deeq bixiyayaasha, inay lasoo garaan gargaar deg deg ah, si wax looga qabto arrimaha adag, ee ka taagan deegaanada Jubbaland’’ sidaa waxa yiri afhayeenka guddiga Cabdirashiid Daahir Axmed