Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland oo maanta qabatay shir looga hadlaayey maamul daadajinta

963

Kulanka aqoon iswaydaarsi ah oo looga hadlaayey maamul daadaJinta shaqalaaha rayidka ee Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismayo,Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Arimmaha Gudaha federaalka iyo dib u hesheesinta Jubbaland.
Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa uu socon doona mudo laba maalin,waxaana kulanka ka soo qayb galay qaar ka mid shqalaha wasaraddaha bixiya adeegyada , howl Wadeeno kasocday dowladda hoose ,gudiga shaqalaha rayidka
Waxaana ugu horeyn faah faahin ka bixiyay kulanka agaasimaha wasaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib uheshiisinta Jubbaland Aadan Faarax Gaarane isagoona sheegay in wasaaradda arimaha gudaha, waddo sanadkaan tijaabadda maamul daadajinta.

“runtii waa muhiim in shaqalaha rayidka dowlad goboleedka Jubbaland fah maan daadajinta maamulka” sidaas waxaa yiri agaasimaha wasaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib heshiisinta Jubbaland.
Axmed Maxamed Abuukar Gudoomiye kuxigeenka gudiga shaqada iyo shaqalaha ayaa faray ka soo qayb galayaasha iskutashi iyo in sifiican loo sii waddo shaqadda laxariirta maamulka.
“waxaad moodaa hadda in lahaanshiyihii dalka iyo soomalinimadii ay dhaliil ku jirto waxaa larabaa in ay idin gasho lexjecladda dalka iyo dhismaha dowladd nimada “ sidaas waxaa yiri Axmed Maxamed Abuukar gudoomiye ku xigeenka gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland.
Yaxye Cumar Xirsi agaasimaha dowladda hoose iyo maamul baahinta waaarada arimaha gudaha fadaraalka soomaaliya isagana dhankiisa kahadlay waxtarka daadajinta maamulka iyo in ladhiso golayaashaa degmooyinka si maamul daadajinta loo sii gaarsiiyo ilaa heer tuulo.
“dalkaan wuxuu ubaahanyahay in adeega maamulka lagaar siiyo meel walba, kulanka kaana waxaa uu idinka saacidayaa maareynta iyo noocyadda maamul daadajinta dowladda hoose iyo sida loo dhiso golayaasha deegaanka “ sidaas waxaa yiri Yaxye Cumar Xirsi agaasimaha dowladda hoose iyo maamul baahinta wasaradda arimaha guddaha soomaaliya
Wasiiru dowlaha wasaradda arimaha guddaha Jubbaland Maxamed Muxumed Maxamed oo daah furay kulanka ayaa carabka kudhuftay in howlaha iyo adeegydda maamulka ay ku tiirsan yihiin hay’addo balse loo baahanyahay in laga baxo ku tirsananta oo dadku ay iyagu si iskood ah wax u qabsadan.

“intii uu jiray burburka soddon-kii sano adeegyada loo qabto bulshada waxaan ku tiirsanayn hay’addo waanka maarmi karnaa ku tiirsanantaasi hadii aan isku tashano” sidaas waxaa yiri wasiiru dowlaha wasarada arimmaha gudaha Jubbaland