Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn uu ka fuliyay Mudug

1085

Qoraal Kasoo baxey taliska Mareykanka ee Africa loona yaqaano AFRICOM ayaa looga hadlay duqeyntii ciidamada Maraykanka ka geysteen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegey ayagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya in si wada jir ah weerar is difaac ah uga fuliyeen magaalada Camaara gobolka Mudug.

“Isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada Soomaaliya agagaarka Cammaara, Soomaaliya, 24-kii Agoosto.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen Camaara, iaydoona ay qiimeynayaan waxyeelada ay gaarsiiyeen dagalamayaasha Alshabaab.

“Qiimaynta waxyeellada dagaalka ayaa weli la sugayaa iyadoo ay ugu wacan tahay hawlgalka socda ee u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya. Qiimeynta hore ee taliska ayaa ah inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaan cirka ah.”

Taliska ciidamada AFRICOM ayaa ugu dambeentii xusay in ay sii wadi doonaan la dagaalanka Alshabaab.