Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Ku Wajahan Galmudug Iyo Ujeedka Safarkooda

916

Waxaa saacadaha sooa aaddan la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ay gaaraan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibrahim Barre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusa-Mareeb.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in Dhuusamareeb ay si toos ah uga billaabato doorashada xubnaha aqalka sare ee Maamulkaasi kasoo galaya dowaldda, waxaana sidoo akle garab socda hardan xooggan oo ka jira kuraasta halkaasi taalla.

Sidoo kale Kuraasta aqalka sare ee taalla Galmudug ayaa qaarkood waxaa ka dhashay hadal hayn ku aaddan qaabka loo maarayn doono, maaddaama ay kuraasta qaar ku hardami doonaan siyaasiyiin saameyn xooggan ku dhex leh Galmudug, waxaana marba marka ka dambeysa soo baxay hadal hayn iyo tartan adag oo dhexmaro doona xubnaha aqalka sare ee kuraasta Taalla degaanka Galmudug