wasaarada kalumeysiga iyo kheyraadka badda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa manta, waxaa ay qaar ka mida kalumeystada ku nool magalada kismaayo u furtay tababar soconaya sadex,kuwaasi oo gaadhaya ilaa 50 qof oo ah dadka ka ganacsada kaluunka.
Sadexda maalin ayaa waxaa ay baran doonaan casharo ku saabsan sida loo qaboojiyo kaluunka iyo waliba sidii ay sarre ugu qaadilahaayeeen nadaafadda kaluunka laga iibsanaayo.
Ugu horeyn waxaa hadal ka jeediyaya furitaanka tababarka gudoomiyaha iskaashatada Jubbalad c/raxmaan Maxamed Faarax, isagoo kalumeystada kula far daarmay in casharada la siinayo ay ku dabaqaan shaqadooda.
Sidoo kale wasiir kuxigeenka wasaarada kalumeysiga Maxamed Cumar Buno oo isagana lahadlay kalumaysatadii tababarka qaadanayey ayaa faray in wax soo saarkooda dhanka kaluunka ay kor uqaadaan
Ugu danbeyn wasiirka wasarada kalumeysiga Jubbaland Cabaas Cali Ibraahim ayaa faray kalumeysatada ka faa’iideysanaya tababarka in ay casharada ay qaadanayaan loo baahanyahay in ay xirfadooda ooga faa’iideystaan