R’salwasaaraha iyo Madaxwaynaha Jubbaland oo daah furay Mashaariic laga hirgalinaayo Jubbaland

874

R’salwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay sadex mashruuc oo kala duwan.

 

 
Mashaariicda manta la daahfuraya ayaa waxaa ugu horeeyey dhismaha Furdada Buurgaabo,Mashruuca Xalinta fataahada webiga Jubba,iyadoo Sadoo kale la dhagax dhigay Xarunta wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland.

 

 

Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Heer Fadaraal iyo Heer Wasiir Ayaa Ka hadlay Dhagax-dhiga dhismahaas iyo wada shaqeynta Labada Wasaaradood.

 

Dhagax-dhigaan Ayaa kusoo Aadaya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha X.F.S uu ku Sugan yahay Malintii Labaad Jubaland Asagoo Halkaan u jooga Arimaha Doorashooyinka iyo Xalinta Arinta Gobolka Gedo.