Ra’iisulwasaare Rooble oo ka qeybgalaya shirka golaha wasiirrada ee Jubbaland

891
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedraalka ah Soomaaliya Mudane Eng Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa si wada Jir ah uga qayb galaya Shirka golaha wasiiradda Dowlad goboledka Jubbaland.
Shirka waxaa qayb ka ah Dhammaan wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo xubno wasiiro ah oo qayb ka ahaa Wafdigii Ra’iisul wasaaraha waxaana shirkan uu noqon doona mid la iska kaashan doono arrimo badan oo muhiim u ah barnaamijka Hortabinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland