Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaay oo loogu baaqay in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaanka

1035

Xilli mudooyinkii u danbeeyay magaalada Kismaayo ay ka da’ayeen roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, islamarkaana ay roobabku biyo dhigeen inta badan wadooyinka magaalada ayay wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland ugu baaqday bulshada in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaanka, si looga hortago cudurro ka dhalan kara wasaqda.

Isku duwaha  Wasaarada deegaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka jubbaland oo maanta shir jaraid ku  qabtey  xafiiskiisa  ayaa waxa uu   bulshada soomaliyeed gaar ahaan bulshada ku nool jubbaland ugu baaqay in qof walba ka taxadaro nadaafadda, oo qoys walba ku dadaalo in uu ilaaliyo nadaafadda gurigiisa iyo afaafka hore ee gurigiisa, taasoo horseedi karta in laga baaqsado halis caafimaad oo ka dhalan karta nadaafad darrada xilli roobaadka.

isku duwaha wasaarada deegaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka jubbaland mudane  Shamsu diin maxamed cali oo arrimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu yiri;

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay ka da’ayay roobab lagu diirsaday, wallow roobabku saameeyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka ee qaar kamid ah wadooyinka, maadaama ay daadadka ka dhasha roobabka isugu tagaan wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada.

By Wariye Nuur Bashiir Cali