Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta booqasho indha-indhayn ah ku tagay marsadda caalamiga ee Magaalada Kismaayo.
Wasiirka inta uu booqashadiisa ku guda jiray wuxuu la kulmay wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidla badda ee Jubaland, maareeyaha Dekadda, iyo shaqaalaha wasaarada ganacsiga ee xafiiska Dekadda.
Wasiirka oo warbaahinta Jubaland kula hadlay Xafiiska wasaaradda ganacsiga ee Dekadda ayaa ganacsatada Jubaland u ballanqaaday in loo fududeen doonno dhammaan howlaha ganacsi ee dhoofinta iyo soo dajinta. Wuxuuna ku booriyay qaadashada shatiyada ganacsiga ee wasaaradda si ay u helaan dhammaan adeegyada wasaaradda.