Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo lagu amray in uu Shaqada dib ugu noqdo

1179

Wareegto ka soo baxday Xafiiska wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada ee   Jubbaland Cabdullaahi Dhubad Shiil(Xadhuun) ayaa lagu amray in maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo horay xilkaas isaga casilay uu dib ugu laabto shaqadiisa.

Wareegtada ayaa lagu xusay in aan Mareeyaha Garoonka diyaradaha oo Iscasilay 7-6-2021  Cabdullaahi Aadan maxamuud(Jagadoon )aan laga aqbalin iscasilaadiisa,hadana laga doonayo in uu shaqadii maareeyaha ee Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo uu halkiisi ka sii wado.