Shirka Madaxda Soomaaliya oo galay maalintii seddexaad iyo warmurtiyeed laga soo saarayo

850

Waxaa maalinkii Seddexaad galay shir u dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa khilaafka harreeyay hanaanka doorashada iyo fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020.

Madaxda Soomaalida ayaa maanta la filayaa in warmurtiyeed ay ka soo saaraan shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa lagu wadaa in khudbado ay ka jeediyeen shirka, islamarkaana ay ku shaaciyaan in heshiis ay wada gaareen madaxda Soomalida

Ra’isul Wasaaraha Xilgaarsiinta wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Kulamada Madaxdu waxa ay ku socdaan sidii Ra’isul Wasaaruhu u qorsheeyay oo ay ku jirto in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu degdegta badan.

Shirkan waa markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qabanayo, ka dib markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu howlaha doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha.