Dawooyin dhacay oo lagu gubay Kismaayo

856

Ha,yada tayo dhowrka jubbaland waxay ay maatna Magaalda kismaayo ku gubtay daawooyiin dhacay oo laga soo aruuriyey qaar ka mid ah goobaha lagu iibiyo daawooyiinka ee Magaalada kismaayo
Iyadoo uu ololele ka bilowday saaka Magaalada ayaa hey’adda tayo-dhowrka Jubbanlad ay ku soo qabatay daawooyiin dhacay oo garaya 170 garton oo wakhtigii isticmaalkooda uu dhamaadey.
Masuuliyiin ka tirsan hey’adda tayo-dhoorka Jubbland ayaa uga digey ganacsatada iyo dhaqaatiirka in ay soo galiyaan ama ay ka ganacsadaan daawooyiinka iyo waxyaabaha kale ee dhacay.
Maxamed Muxumed Xasaan Xiirey oo katirsan hey’adda tayo dhowrka Jubbaland ayaa shegaay in maanta ay gubeen daawooyiin dhacay waxaana shacabka iyo ganacsatada Jubbaland ugu baaqey in ay iska kaashadan siida ay uga dabar jari lahaayeen deegaanka waxyaabaha dhacay.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeeysa ayadoo ay jireen walaac ay bahda caafimaadka ka muujinayeen dawooyinka dhacay iyo kuwa ay tayadoodu xumaatay ee lagu iibiyo xarumaha ganacsiga dawooyinka ee Kismaayo.