Shirka Madaxda Ee Doorashada Dalka Oo Goor Dhow Furmay

1325

Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Goor dhow waxaa uu si rasmi ah uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii 17-kii Sep iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo Madaxda aysan weli heshiis rasmi ah ka gaarin.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka Mid ah  shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Afisyooni kaas oo lagaga hadlayo arimaha Doorashada.

Shirkan oo maanta furmay waxaa ka qeyb ka ah  Raiisul  Wasaaraha Xilgaarsiinta  DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah JFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad looga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.