Shir looga hadlayay Horumarinta Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka oo lagu qabtay Kismaayo

1337

Wasaaradda caafimaadka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlaayey horumarinta caafimaadka Hooyooyinka iyo Dhallaanka.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Caafimaadka,Qorsheynta iyo Madaxtooyada Jubbaland, sidoo kale waxaa goobta joogay shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka oo qorshahu ahaa in ay ka faa’iideystaan casharro la xiriira daryeelka caafimaadka.

Intii shirku socday Wasaaradda Caafimaadku waxay soo bandhigtay waxqabadkeeda dhanka Caafimaadka iyo adeegyada ay bulshada u fududeysay.

Wasiirka caafimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif,wasiirka Qorsheynta Aadan Ibraahim Aw Xirsi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni ayaa kulanka hadallo ka jeediyey.