Kun iyo Labba boqol oo qoys oo beeralay ah oo lagu taageeray abuurka Beeraha.

1325

Dadka Beeralayda ah ee ku nool deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo ayaa bilaabay beerista dalagyada beeraha,iyadoo dadka ay hadda si wayn Ugu mashquulsan yihiin tabaca beeraha, maadama hadda uu bilowday roobkii Guga oo ay intiisa badan ku tiirsan yihiin wax soo saarka beeraha.

Wasaarada beeraha iyo waraabka Jubbaland ayaa dadka beeralayada ah ee ku nool deegaanada Waqooyiga  waxaa ay ka taageertay dalagyada beeraha sida galayda,digirta,sinsinta iyo waliba abuur dhinaca qudaarta ah, taas oo dadka beeralayada ah ka caawinaysa in xilli roobaadkaan ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan oo ay beeraan dalagyo ka badan kuwii hore ay u beeri jireen.

Kusow Maxamed Cabdi oo ka mida dadka beeralayada ah ee ku nool deegaanka Yoontooy ayaa radio Kismaayo uga warbixiyey waxa ay ka caawisay Abuurka la siiyey  iyo sida markii hore dadka beeralayada ah ay ku helli jireen abuurka beeraha.

“digirtii,galaydii wali ma miraynin lakiin way saaqday,horay abuurka waxaan uga soo gadan jirnay suuqa,hadda waxaa noo baqatay lacagtii aan dalagyada ku soo iibsan jirnay,beerta labba hegtare,sadex hegtare waxaa ku bixi jirtay $150 dollar”sidaa waxaa Radio Kismaayo u sheegay Kusow Maxamed Cabdi oo ka mida dadka beeralayada ah

Wasaarada Beeraha iyo waraabka Jubbaland waxaa dhinaca Abuurka ka caawinaysay hay’adda AVSI oo maalgalin ka hellaysa hay’adda horumarinta dalka Talyaaniga,waxaana Mashruucaan ka faa’iidaystay 1200 qoys oo kala degan 10 tuulo oo ku yaala inta u dhaxaysa Goobwayn ilaa Buulguduud.

Gudoomiyaha deegaanka Yoontooy Abuukar Maxamed ayaa sheegay in Yoontooy ay ka Faa’iidaysteen 150qoys