Dadwaynaha Magaalada Kismaayo Oo Dareenkooda Ka Muujiyey Xasuqa Shacabka Reer Falastiin.

922

Dadwaynaha magaalada Kismaayo oo aan manta la dhexmarnay microphone Radio Kismaayo ayaa Aragtidooda ka dhiibtay sida ay u arkaan duqaynta iyo gumaadka ay yuhuudu ka wado dhulka Reer Falastiin,xili caalamka intiisa badan uu canbaareyey weerarka bahalnimada ah ee ay yuhuudu ka wado magaalada Gaza iyo daanta Galbeed.

Waa kuwan dadka aragtidooda ka dhiibtay weerarada arxan darada ah ee yuhuudu ku hayso walaalaha falastiin.

 

Inkasta uu Maraykanku mar labaad hor joogsaday bayaanka Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay in uu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo  kaliya,Balse Biden ayaa ku wargeliyey ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda  Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad.

Madaxwaynaha Maraykanka  ayaa sidoo kale Dunida muslimka iyo caalamka intiisa kale-ba u muujiyey cadow tooyada soo jirenka ah ee uu u haayo dadka Reer falastiin iyo waliba Islaam,isaga oo saxiixay in Israel laga iibiyo 735milyan hub qiimihiisa u uku kacaayo.

Taas oo cadaynaysa in dowlada maraykanka iyo dowladaha kale ee reer galbeedka ay raali ka yihiin daadinta dhiiga dadka Reer falastiin.