Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobey

107

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Mas’uul ka tirsan Puntland, waxaana soo dhaweyn kadib loo galbiyay dhinaca Xrunta Madaxtooyada Maamulka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana sigaar ah diirada loogu saaray howlaha horumarineed ee UN-ka ka wado deegaanadaas.

Kulanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni la qaatay Guy Griffin ayaa waxaa ka qeyb galay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.