Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland: Annaga iyo ragga Muqdisho Jooga qilaafka inoo dhexeeya waa mid dastuuri ah ma ahan mid ciidan iyo qof shaqsi ah ku xiran

984

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladihii u danbeeyay ee gobolka Gedo iyo isdhiibiddii wasiirkii hore ee amniga Jubbaland ee dowladda federaalka.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Jubbaland aysan arrintaasi waxba u dhimeyn, maskaxda ka danbeeysana ay tahay mid aan qaangaar ahayn oo dooneysa in shacabka iyo dowladda Jubbaland ay qal-qal amni geliso.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ugu baaqay shacabka reer Jubbaland gaar ahaan shacabka gobolka Gedo in ay iska difaacaan fikirrada lagu burburinayo horumarkooda iyo dowladnimadooda, isagoo sheegay in dhammaan mashaariicdii ay dolwadda ka waday gobolkaasi oo ay ugu horeeyaan dhismihii dowladaha hoose ay joogsadeen taasoo uu xusay in ay fursad u ahayd bulshada gobolka, shaqo abuurna ay ka heli lahaayeen.

Wasiirkii hore ee amniga dowladda gobolka Jubbaland oo xil-ka-qaadis ay ku sameysay dowlad goboleedka Jubbaland kahor inta uusan qaadan mowqifka uu ugu biiray dowladda ayaa dhwaaan gaaray magaalada baladxaawo isagoo warbaahinta ka sheegay in uu heshiis la galay dowladda.

Hoos ka dhageeyso Wareeysiga;