Wasaaradda Xanaanada xoolaha Jubbaland oo ku dhawaad laba milyan oo Neef ka talaalaysa xanuunka Sanbabka.

1002

Wasaaradda Xanaanada xoolaha Jubbaland ayaa bilowday Olole lagu Talaalayo Xoolo gaadhaya hal milyan iyo sided boqol oo neef sida uu Radio Kismaayo u Sheegay Agaasimaha Waaxda Cafimaadka Xoolaha Cusmaan Maxamed Xassan.

Cusmaan ayaa sheegay in talaalkaan uu quseeyo oo kaliya riyaha lagana hortagaayo xanuunka Sanbabka riyaha oo inta badan ku dhaca riyaha,waxaa uu intaas ku daray in xanuunka sababka riyaha uu yahay xanuun daran oo aad u wax-yeeleya Riyaha kaas oo neefka u uku dhaco inta badan uu u dhinto,sidoo kalena uu hoos u dhigo cadka iyo caanaha xoolaha taas oo saamaysa dadka kale eek u tiirsan xoolaha.

Barnaamjkan oo dhawaan bilowday ayaa waxaa ka shaqaynaya ilaa 20 kooxood oo wasaarada Cafimaadka xoolaha u tababartay talaalka xoolaha,kuwaasi oo xoolaha uugu tagaya goobaha ay degan yihiin dadka xoolaha dhaqatada ah iyo waliba ilaha biyaha ay ka cabaan xoolaha.

Talaalkaan oo soconya ilaa laba bilood ayaa waxaa hirgalintii wasaarada Oo  ka caawinaysa hay’adda FAO ee cunada iyo beeraha.