Gudoomiyaha Maxkamada Sarre ee Jubbaland oo soo dhaweeyey Ibraahim Iidle Saleebaan.

1190

Gudoomiyihii hore ee maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa booqasho ku yimid Xurumaha Garsoorka Jubbaland ee magaalada kismaayo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubaland,  Mudane Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Jubbaland Maxamed Sheikh Cusmaan .

Soo dhawayn diiran Kadib waxay masuuliyiintu wada qaateen Kulan is xog waraysi  ah,iyada oo uu Gudoomiye Ibraahim iidle Ku amaanay kuna dhiirigaliyay Bahda Garsoorka Dowlad Gobaleedka Jubaland sida hufnaanta iyo Howlkarnimada leh ee ay ugu adeegaan Bulashadooda.