Is-afgarad hor-dhac ah ayaa laga gaaray waan-wantii laga dhex-waday Xukkumadda iyo Midowga Musharixiinta, waxaana la sheegay in guul laga gaaray wadahadalada u socday labada dhinac ee la doonayay in la isugu soodhaweeyo.
Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in kulan qado ah ay Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.
Ujeedka kulanka ayaa waxaa uu yahay Madaxtooyda oo dooneysa in la baajiyo banaanbaxa ay Midowga Musharixiinta ay doonayaan inay ku qabtaan Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere & khilaafka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka.
Kulamadii u dambeeyay ee dhe-maray Ergada waan waanta waday iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aad u soo wajahay cqabado ay kamid yihiin in Musharixiinta ay dalbadeen in rali-eglin ay Xukuumadda ka bixiso wixii dhacay 19-kii Bishaan, hayeeshee Madaxtooyada ay aad ugu adkaatay wallow maanta siwyen looga hadli doono.