Jubbaland Oo Ka Fiirsaneysa Ka Qeyb Galka Shirka Uu Ku Baaqay Farmaajo

946

Madaxweyne ku-xigeenka koowad ee Dowlad Goboleedka  Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa ka hadlay Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo dib u dhac uu ku yimid.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in shirka lagu baaqay oo lagu saxiixi lahaa heshiiskii lagu gaaray Shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ay baabjiyeen iska hor imaadyadii amni ee ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa uu sheegay in  Jubbaland ay diyaar u aheyd in meel kasta lagu qabto Shirka uu ku baaqay Farmaajo, is looga wada-hadal khilaafka ka taagan doorashada dalka, ayna doonayeen inay ka qeyb galaan Musharaxiinta, balse uu baaqday

 

“Meel kasta oo lagu qabanayana Jubbaland diyaar bay u ahayd, soo jeedintoodii u danbaysayna waxa ay ahayd in Muqdisho lagu qabto. Iyada oo saamilaydii siyaasaddana ay ku dhan yihiin” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Shirkaasi ayaa lagu waday in la soo gabgabeeyo shalay oo Jimce ah, waxaana Jubbaland caqabadaha helay ku qeexday in xaalkii Muqdisho ay shalay aheyd, dibna u qiimayn doonaan xaalka oo xilliga danbe ee uu qabsoomayo ay ka fiirsan doonaan.

Madaxweyneyaasha  Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaan weli soo gaarin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, waxaana haatan Magaalada ku sugan Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo