Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Degay Hoteel Ku Dhow Madaxtooyada

992

Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif iyo Xasan Shiikh ayaa degay degay Hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia, sidoo kalena ah u dhaw halka loo qorsheeyayin uu jimcada soo aaddan ka dhaco bannaanbaxa weyn ee ay ku dhawaaqeen Musharixiinta Mucaaradka ah..

 

Labada mas’uul xalay dagay hotelka Naasahalood 2 oo ku yaala ka soo horjeedka Daljirka Dahsoon, waxaana xalay la arkayay Ciidamo ay wataan oo xiray waddooyinka laga soo galo Hotelka iyo nawaaxiga barxadda Daljirka Dahsoon.

Tallabadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay jiraan cabsi laga qabo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo tallaabo ay ku baajin karto bannaanbaxa, iyadoo shalay shaacisay in aan la ogalayn isku imaanshaha dadweynaha, waxaa sidoo kale musharixiinta mucaaradka ah ay dhowr jeer ku cel-celiyeen in bannaanbaxu uu dhacayo.