Dhageeyso Barnaamij looga hadlayo Saameynta cudurka Corona Virus iyo sida looga hortagi karo

995

Barnaamijkan oo looga hadlayo waxa uu yahay Corona Virus, Saameyntiisa iyo siyaabaha looga hortagi doono ayaa waxaa marti ku ah Maxamed Muxumed Xiireey oo ka tirsan waaxda fayadhowrka iyo kahortagga cudurrada faafa ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland.

Dr. Maxamed Xiireey ayaa sharaxay waxa uu yahay cudurka, iyo weliba saameyntiisa, isagoo sheegay in caalamka uu dhibaato badan ku hayo cudurkan.

“Corona Virus Waa cudur ku dhaca neefmareenka, oo leh qufac iyo qandho, markaa sharaxaad ka  bixinno meeluhuu ka yimid, September, 31 2019 waa markii ay dhamaaneysay sanadda 2019, waa lagu arkay magaalo la yiraahdo Wuhan oo dalka Shiinaha, cudurkan cudurro hore ayuu u ekaa balse wuu ka duwanyahay, 9-kii Janaayo ayuu si rasmi ah usoo shaacbaxay oo wadamo badan ku faafay, marka adduunka ayuu aad iyo aad ugu sii faafay, dhibaato bandanna wuu ku hayaa adduunka,” ayuu yiri Dr. Xiireey.

Dr. Xiireey ayaa intaa ku daray in cudurkan uu galaaftay nolosha in ka badan hal Milyan oo qof oo ku nool caalamka, isagoo intaa ku daray in dalkeenna Soomaaliya uu ku dhacay cudurka 4525 halka 121 qofna ay u dhinteen, halka Jubbaland ay mareeyso 289, dhimashaduna ay gaartay 13 qof.
Waxa uu ugu baaqay bulshada in ay taxadaraan islamarkaana ay iska ilaaliyaan cudurkan oo uu xusay in hadda uu markale soo laba kacleeyay dunidana uu markale kusii faafayo, waxa uu xusay in la doonayo in qof walba ku dadaalo in uu isticmaalo Afxir (Mask) gacmaha ay gashtaan Gloves, iskana ilaaliyaan isu imaatinka iyo isu soo dhawaanshaha.

Waxa uu dhinaca kale sheeegay in ilaa hadda aysan jirin daawo rasmi ah oo cudurkani leeyahay.

Barnaamijka waxaa idiin soo gudbineysa wasaaradda caafimaadka Jubbaland iyo mashruuca HBC ee hay’adda Care oo taagero ka helaya hay’adaha UK AID iyo UNILEVER.

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran.