Jadwalka doorashada Soomaaliya ayaa Dib u dhac ku yimid

1093

10-kii  October  ilaa 20-ka october oo maanta ku beegan ayaa  waxaa uu qorshuhu  ahaa in lagu soo magacaabo guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaana dib u dhac ku yimid  magacaabista guddigan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Jimcihii soo saaray warqad ku socoto afar madaxweyne , kuwaas oo kala ah Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland, waxa uuna xasuusinayay in la dhaafay waqtigii laga sugayay in ay soo magacaawdaan min labada xubnood ee ku matali doono guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Qaran.

Warqada ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo cayiman loogu qabtay madaxweynayaasha in ay ku soo gudbiyaan xubnaha matali doono.

Maamul Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, iyo kuwa kale ayaa la sheegay in ay qabaan tabashooyin ku saabsan sida ay Villa Somalia ku wado fulinta heshiiskii doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Jubbaland ayaa qabta dood ku saabsan arrimaha gobalka Gedo, oo ay dooneyso in laga saaro ciidamada dowladda, waxaana laga cabsi qabaa in heshiiska doorashooyinka dhaqan geli waayo.