Khasaaro Ka Dhashay Fatahaad Cusub Uu Sameeyay Webiga Shabeelle

749

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Webiga Shabeelle uu fatahaad Cusub uu ka sameeyay Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi, sida ay ku warramayaan wararka aan ka heleyno degmadaas.

Webiga ayaa la sheegay inuu fatahaad ka sameeyay gudaha degmada Jalalaqsi iyo deegaano hoostega degmadaas, isla markaana waxaa fatahaada ka dhashay Khasaaro dhimasho oo gaaray dad shacab ah.

Dad ku sugan Jalalaqsi oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Afar qof oo laba kamid ah yihiin Caruur Walaalo ahaa ay ku geeriyoodeen Webiga, xili ay doonayaan inay ka gudbaan biyo farabadan oo webiga watay.

Sidoo kale dadka deegaanka qaarkood ayaa bilaabay barakac ay ka sameeynayan, kadib markii webiga shabeelle uu fatahaad xoogan ka sameeyay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Xaafaddo ka tirsan degmada ayaa lagu warramayaa in saakay ay biyo faraban dhex-fadhiyaan, waxaana dadka  ku dhaqan halkaas ay sheegayaan inay qabaan casbi xoogan la xirrirta fataha