Mattéo Guendouzi oo sharxay sababta uu uga tagay kooxda Arsenal.

789

Laacibka khadka dhexe reer France ee Mattéo Guendouzi ayaa ka tagay kooxda reer London ee Arsenal inta lagu gudi jiray suuqii kala iibsiga dhawaan la soo xeray ee xagaaga, isaga oo si amaah ah ugu biiray naadiga Hertha Berlin.

Ku biirista Mattéo Guendouzi ee kooxda Hertha Berlin ayaa waxaa qeyb ka ah qodob u ogolaanaya inuu si toos ah ugu biiro kaddib marka uu dhamaado heshiiska amaahda ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa la fahansan yahay in Mattéo Guendouzi uu ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta, tan iyo markii uu la wareegay shaqada tababarka kooxda reer London ee Arsenal.

Laacibka khadka dhexe reer France ee Mattéo Guendouzi ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Runtii waxaan u baahanahay inaan ciyaaro sanadkan, si aan u tijaabiyo loolan cusub, waxay aheyd waxa iigu muhiimsanaa aniga ahaan”.

“Wali waan yarahay, waxaan ahay 21 jir oo kaliya, marka waxaan u baahanahay waqti aan ku ciyaaro, taasi waxay ahayd mudnaanteyda ugu sareysa”.

“Waan ogahay ku biiristeyda kooxda Hertha Berlin, runti waan isku muujin karaa, waa horyaal weyn. marka wax walba waa hagaagsan yihiin”.

“Waa koox Jarmal ah oo aad u wanaagsan, oo hami weyn leh, waxaana ku qaadan doonaa hal sano oo amaah ah halkaas, wax walbana waan u sameyn doonaa kooxda”.