Maamulka Galmudug iyo Talyaaniga oo ka wadahadlay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha

1103

Wasiirka wasaaradda Howlaha guud, Dib-u-Dhiska iyo guriyeynta Galmudug Mudane Axmed Dhiblawe Casir ayaa kulan saacado qaatay  kula yeeshay Safaaradda  Talyaaniga ee Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ka ahaa Madaxa wakaaladda  horumarinta iyo iskaashiga Talyaaniga iyo lataliyaashiisa

Kulanka Wasiirka iyo Mr.Giordano ayaa yimid kadib heshiiskii 6/10/2020 ay ku kala sixiixdeen dowladda Talyaaniga iyo Dowladda Federaalka Somalia ee horumarinta arrimaha bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Somalia.

Wasiirka iyo Madaxa horumarinta Talyaaniga waxa ay Isla falanqeeyeen sida ugu fudud ee loo dadajin lahaa hirgelinta mashaariicdan maadaama ay wasaaraddu hormuud uga tahay Dowladda Galmudug horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha