Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa tababar u soo xidhay dhalinyaro gaadhaysa 313 oo la baray farsamada gacanta sida loo hagaajiyo tuubooyinka biyaha qaada,hagaajinta Solar.
Dhalinyaradaan ayaa tababarkaan waxaa uu u socday mudo gaadhaysa 10 bilood,waxaana lagu talla-galay in farsamooyinka gacanta ay wax-ka badasho dhalinyarada Jubbaland ee shaqo la’aanta ah.
Mid ka midda dhalinyarada xirfadaha gacanta la baray ayaa Radio Kismaayo uga warbixiyey ahmiyada ay leedahay farsamada gacanta ee uu bartay.
Madaxa hay’adda ADRA Maxamed Cabdi Faarax oo joogay munaasabada loo qabtay ardayda bartay farsamada gacanta ayaa ka warbixiyey waxa ay ka dhigantahay in manta tababar loo soo xidho arday intaan leg.
Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedka Jubbaland Cusmaan Xuseen Xaaji fayruus ayaa ugu danbeyn munaasabada soo xidhay, wuxuuna dhalinayarada kula dar-daarmay inay ka faa’ideystaan farsamada gacanta ee la baray.