Wasaarada kaluumaysiga Jubbaland oo qabatay wacyigalin ku aadan covied-19.

1002

Wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Jubbaland ayaa soo gabagabaysay wacyigalin loo qabtay dadka ka shaqeeya suuqyada kaluumaysiga magaalada Kismaayo.

Madaxa waaxda maamulka iyo maaraynta maaliyada ee wasaarada kaluumaysiga Bashiir Maxamed Budul ayaa Idaacada Radio Kismaayo u sheegay in wacyigalintaan oo ku saabsanayd caabuqa corona-viurs ay soo gaba-gabeeyeen wajiga kowaad ee wacyigalinta.

Dadka ka shaqeeya suuqyada kaluumaysiga ee magaalada Kismaayo ayaa la gaadhsiiyey agabka ka difaaca dadka xanuunka Coronaviurs,sida Af-xidhka,cinjirka gacmaha iyo waxyaabaha dareeraha ah ee dili virus-ka.

Bashiir Maxamed Budul ayaa sheegay in wacyigalinta ka hortaga corona-viurs  ay ka caawisay wasaarada kaluumaysiga hay’adda GIZ ee Iskaashiga dalka Jarmalka.