W.dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland oo amartay in la qabto doorashada xiriirka kubada cagta Jubbaland.

951

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa maanta qabatay shir looga hadlaayey xiriirka kubada cagta Jubbaland oo uu  dhamaaday mudo xileedkii loogu talagalay in ay shaqeeyaan.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirahmaan Axmed Cabdi ayaa gudiga xidhiidhka kubada cagta Jubbaland  ku amaanay shaqooyinkii ay qabteen mudadii ay xafiiska xidhiidh-ka Joogeen,waxaana uu faray in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorasho hufan oo ay u wadda dhantahay bahada ciyaaraha dowlad Jubbaland.

Cabdirahmaan Cabdi ahmed agaasimaha guud ee wasaarada ayaa sheegay in hay’adaha dowlada ay mid waliba ay leedahay xili iyo mudo loo igmaday in maamulkeeda uu dadwaynaha u adeego, maantana la joogo xiligii  xiriirka bada cagta Jubbaland doorashadiisa la qaban lahaa.

Agaasimaha ayaa gudiga faray in la qabto doorasho ay ka wada qayb galaan dhamaan kooxaha ciyaraha jubbaland ee sadex gobol ee Jubbaland ka Kooban tahay.