Madaxwaynaha dowlada Jubbaland iyo waftigiisa oo gaadhay Garoowe.

1145

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay maanta gaareen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

 

Waftiga la socda madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ka mida wasiirka madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani,wasiirka wasaarada arimaha gudaha Maxamed Warsame Darwiish,wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka,waxaa kale oo madaxwaynaha Jubbaland safarka ku waheliya xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax.

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxwaynaha puntland Siciid Cabdullahi Denni,labada madaxwayne  ayaa waxaa shir gaar ah ka yeelan doonaan arimaha siyaasada ee xiligaan ka taagan dalka qaasatan arimaha doorashooyinka dalka.