Gudoomiyaha Afmadow oo ka hadlay agab cafimaad oo la gaadhsiiyey Degmada Afmadow.

1732

Gudoomiyaha degmada Afmadow Yuusuf Xassan ayaa bogaadiyey Agabkii Cafimaad ee dhawaan wasaarada cafimaadka Jubbaland Gaadhsiisay degmada ee gobolka Jubadda Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in bulshada degmada Afmadow baahi wayn u qabeen agabka ka hortaga Caabuqa Corona-viurs maadama uu yahay caabuq u faafo si dhaqso leh.

Gudoomiyaha oo  khadka taleefanka  ugu waramay Radio Kismaayo Ayaa xusay waxaa ay uga dhigan tahay dadwaynaha  Afmadow in Agabka Cafimaad iyo waliba daawooyinka dhinaca Cafimaadka ee degmada la keeeno.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay inta aanan la keenin agabka caafimaad ee ka hortaga covid19,waxaana uu sheegay in dadka looga shakiyo xanuunka  lagu karantiili jiray meel ka midda cusbitaalka guud ee degmada Afmadow.

Yuusuf Xassan Xusseen gudoomiyaha Afmadow ayaa ugu danbayn inoo sheegay in degmada Afmadow ay aad ooga liidato dhanka caafimaadka  loona baahan yahay in Cisbitaalka Afmadow laga dhigo mid dabooli kara baahiyaha cafimaadka ee Afmadow iyo nawaaxigeeda.