Dhageeyso: Barnaamijka Q-5-aad, Sidee bulshadu looga wacyigelin karaa halista Gudniinka

1095

Barnaamijka waxaa todobaadkan diiradda lagu saaray sida bulshada looga wacyigelin karo gudniinka, ayadoo intii uu barnaamijku socday ay dhageystayaashu kaga qeyb-qaadanayeen qadka Teleefonka.

Dhageystayaasha ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka kala duwan ee gudniinka iyo weliba waxa laga doonayo bulshada si looga hortagi.

Qaar kamid ah haweenkii ka qeyb-galay Barnaamijka oo iyagu qudhooda dhibane u ahaa gudniinka ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyin ay mareen kadib markii la guday.

Barnaamijka waxaa daadhineysay Amaal Cawil Maxamuud.

Halkan ka dhageeyso Barnaamijka oo dhameystiran.