Dagaal dhex-marey Ciidamada Koonfur Galbeed & Al-Shabaab

1084

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo deegaano ka tirsan Gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo ku socdaalayey inta u dhaxeysa Deeynuunaay iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaalkaas ayaa waxa ay sheegayan in khasaare uu ka dhashay, kaas oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, hase yeeshee aan waxaan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maray Maleshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Bay.