
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa magaalada Nayroobi ka furay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka.
Shirkan oo Agaasimaha ay ku wehelinayeen Madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa hay’adda ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dhinac, horumarinta Ganacsiga iyo fududeynta wax dhoofinta.
Shirka, waxa kale oo ay kaga wada-hadleen siddii kor looggu qaadi lahaa mashaariicda iyo shaqooyinka ay ka wada-shaqeen labada dhinac ee khuseeya Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama oo wakhtigan ay dawladda Soomaaliya u dhow dahay in wakhtiyada soo socda laga cafiyo deynta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







