Duqa Muqdisho oo faah faahiyey qorshaha Maqaamka Caasimadda

1160

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo Maanta ka hadlayay madal looga doodayay sidii Caasimadda u yelan laheyd maqaam gaar ah ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

“Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadda waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii ay Caalamka ku laheyd”.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay  ka hadlay ayaa faah-faahin ka baxshay  aragtida dadweynaha Caasimadda ee ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka