Ahlusunna oo sheegtay in dowladda afduubatey doorashada Galmudug

965

Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biirey Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka ay afduubatey howlaha doorashooyinka ee ka socda Dhuusamareeb,isla markaana ay baal martey hehsiiskii ay la galeen.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, kana mid ah Hoggaanka Ahlusuna Wal-Jameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay gebi ahaanba afduubtay doorashada Galmudug, dadka reer Galmudugna ay maamulkooda marti ka noqdeen.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in howlaha doorashooyinka ee ka socda dadka Reer Galmuudg laag dhigey marti,sidoo kalena Dowladda ay ku xadgudubtey Dastuurka dalka.